FASHIL: Xasan Sheekh oo Kismaayo ka sheegay hadal isaga fulinteeda uu fadeexad ku yahay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Magaalada Kismaayo uga qeybgalay Munaasabadii lagu caleemasaarayay Hogaamiyaha is doortay ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa halkaasi ka sheegay hadalo isaga dib ugu soo laabanaayo.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Dalka Somalia uusan ka socon doonin Haddal ka imaaday dhanka Dowladaha shisheeyaha, islamarkaana Somalia uusan ka hirgali doonin amarada noocaasi ah.

Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in Shisheeye uusan u talin doonin Somalia, waxa ayna taasi cagsigeedu tahay in Siyaasadaha looga shaqeeyo Somalia ay tahay mid laga soo maanguuriyo dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Ethiopa iyo Kenya.

“Shisheeye nooma sameyn karo Siyaasadii aan dalkeena ku dhisi laheynay. waayo Somalia iyada ayaa isku filan mana laga hirgalin doono amaro nooga yimaada dibadda”

Haddalkaani kasoo yeeray Madaxweyne Xasan ayaa caksi ku ah shaqooyinka DF Somalia oo ah kuwo amarkeeda ay kasoo fulaan Dowladaha dariska la ah Somalia, waxaana xusid mudan in Booqashadii Xasan Sheekh iyo Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid ay ku tageen Kismaayo ay sandulo uga dhigtay Dowlada Ethioipia taasi oo cadeyn u ah in Siyaasada Somalia ay gacanta ku heyso Ethiopia.

Siyaasada Somalia gaar ahaan tan Gobolada dalka ayaa waxaa gabi ahaan maamula Dowladaha Ethiopia iyo Kenya, halka howlaha Maamuladaasina ay ka macaashan Dowladahaasi.

Dhanka kale, haddalkaani ayaa waxa uu burburinayaa Khilaafaadka ka dhextaagan BF iyo Madaxtooyada oo xalkeeda ay gacanta kula jirto Beesha Caalamka iyo Dowladaha Dariska la ah Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa inta badan ku celcelsha in Somalia ay ka kaaftoonto amaba aysan qaadan doonin amaro iyo Siyaasado laga soo maanguuriyay Dowlado kale, hayeeshee waxaa la rumeysan yahay in Somalia uu isaga si dadban ugu gacangaliyay dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com