Afaraale oo beesha Ogaaden u jawaabay “Waxay degaan Ethiopia, shaqo kuma lahan BAKOOL”.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo hadal heynta ugu badan ay tahay in Degmooyin hoostaga Bakool laga goyn doono maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa arrintaasi ka hor imaaday Xildhibaano ka tirsan BF oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolkaasi.

Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale oo ka mid ah Xildhibaanada arrintaasi kasoo horjeeda ayaa sheegay in marnaba aysan suuragal noqon doonin in la kala jaro Gobolkaasi, taasi oo ay wadaan xildhibaano ka tirsan beesha Ogaadeen.

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu la socdo in Odayaal, Siyaasiyiin iyo Xildhibaanada qaar ay wadaan dadaalo lagu kala qeybinaayo Gobolka, balse waxa uu tilmaamay in arrinka uusan sidaa ahaan doonin.

Waxa uu sheegay in dhamaan dadka ka hadlay arrimaha ku aadan ka bixista Koonfur Galbeed, aanay wax shaqo ah ku lahayn gobalka Bakool, islamarkaana degmooyinka ay degaan ay jiraan dhanka Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xildhibaan Afaraale, ayaa sheegay inaysan habooneyn qorshaha ay wadaan Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada, wuxuuna ka digay arintaasi in lagu deg dego, isaga oo sheegay inay muhiim tahay aragti mideysan in laga qaato qorshahaasi.

”Sheeda ayaan kala socnaa waxa ay doonayaan in Degmada Yeed, Deegaanka Caato iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Bakool, ay Xildhibaanada doonayaan inay raaciyaan Maamulka loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe”

Xildhibaan Afaraale ayaa sheegay in degmooyinka Yeed iyo Caato aysan degmo ahayn, ayna yihiin deegaanno, islamarkaana Bakool uu ka kooban yahay 5 degmo oo dowladii Dhexe ka tagtay.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ayuu ugu baaqay inaysan ka raali noqon in la kala qeybiyo Degmooyinka hoostaga, waxa uuna carabka ku dhuftay in Xildhibaanada fakirkaasi keenay ay la xisaabtami doonaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com