25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

QARAX ay ku dhinteen saraakiil ciidan oo shir u fadhiyay oo goor dhow ka dhacay magaalada…!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dhacay Qarax xoogan oo Khasaaro kala duwan geystay.

Qaraxa ayaa waxaa lala eegtay Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka kuwaasi oo ku sugnaa geed hoostiisa.

Waxaa la xaqiijiyay in halkaasi ay ku geeriyoodeen Seddax sarkaal waxaana dhaawac uu soo gaaray 7-kale xilli halkaasi ay ku shirayeen.

Qaraxa ayaa ahaa Miino goobta loogu aasay Saraakiisha iyo Ciidamada Dowlada, iyadoona markii danbe ay halkaasi gaaren Ciidamo kale oo goobta isku gadaamay.

Miinada ayaa la sheegay in lagu aasay Xerada Ciidamada Shiirkole oo ku dheggan Madaxtooyada Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaan weli ka hadal Qaraxa waxaana la soo warinayaa in dad farabadan loo qabtay Qaraxaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News