Xasan Sheekh oo ka dhoofay XAMAR + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Somalia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa u dhoofay magaalada New York ee dalka Mareykanka, iyadoona ay halkaasi uga qeybgali doonaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka caalamiga Aadan Cadde ka sagootiyay Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Ra’isul wasaaraha dalka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin kale oo ka kala tirsan labada gole ee Dowlada.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa lagu wadaa inuu shirka Qaramada Midoobay ka jeediyo khudbad uu uga hadli doono xaaladda Somalia iyo isbadalada iminka ka taagan dalka.

Inta ay joogaan Mareykanka, madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay kulamo gaar gaar ah la qaataan qaar ka tirsan madaxda halkaas isugu imaanaysa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com