Daawo Video: General Galaal oo arrin culus kaga dhowaaqay Dhuusomareeb (Maxay sameyn DF?)

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Jan. Maxamed Nur Galaal oo ka mida saraakiishii hore ee Milateriga Soomaaliya ayaa si cad u taageeray maamulka Ahlsu suna ee Gobollada Dhexe oo uu madaxweyne ka yahay Sheekh Axmed Shaakir, wuxuuna maanta tegay magaalada Dhuusamareeb.

Jan. Galaal ayaa Madaxtooyada kooxda Ahlu suna uga dhawaaqay inuu ugu tegay hambalyada maamulka ay dhisteen isla markaana uu tallooyin siiyay, wuxuuna sheegay inay dowlada ay dhisteen uu taageersan yahay.

Jan. Maxamed Nuur Gallaal wuxuu muddooyinkii dambe ku sugnaa degaanada ay Ahlu suna ka taliso, waxaana horeba loo ogaa inuu ka mid yahay dadka geed fadhiga u ah kooxda Ahlu-Sunna.

DAAWO VIDEO