Habka awood qeybsiga beelaha & doorashada ee 2016-ka oo lagu soo bandhigay MUQDISHO.!!!

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamud Maxamed Culusow oo  wareysi gaar ah maanta siiyay Goobjoog News ayaa sheegay  in Nidaamka 4.5 uu yahay habka ugu haboon doorashada 2016-ka.

Culusow ayaa intaa ku daray in qodobkan ay ku heshiiyeen  Bulshada rayidka, Aqoonyaho, dad ka shaqeeyay arimaha Siyaasadda  oo ka soo qeyb galay ay gogoshiisa laheyd hay’adda Jilayaasha aan dowliga aheyn ee  SOSCENSA.

SOSCENSA ayaa halkaas ku soo bandhigtay daraasad laga sameeyay Maqaalo 14 ah oo horay loo diyaariyay, qodobo ka mid ah dastuurka KMG ah iyo Baaqii ka soo baxay Madasha Wada tashiga Qaranka.

Talooyin ilaa 13 qodob gaaraya ayaa shirka kasoo baxay sida in ay jirto la xisaabtan si kalsoonida beelaha kor loogu qaado, waxaa kaloo lagu taliyay in hal Xildhibaan ay soo doorato 100-182, Beesha dhexdeeda in ay is habeyso oo cadaalad ka jirto iyo arimo kale.

Tallooyinka la soo jeediyay waxaa ka mid ah in Mas’uuliyadda, Doorashada iyo lacagta ay yeeshaan beelaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com