Isku shaandheyn lagu sameynayo wasiirada DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah oo laga helayo xafiisyada madaxtooyada iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya inuu dib u soo noolaaday qorshihii dib loo dhigay ee isku shaandheynta Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya oo hore la filayay in la sameeyo bishii July ee sanadkan xiiligaasi arrintani soo bilaabatay.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa heshiis ku ahaa isku shaandheynta lagu sameynayo golaha wasiirada, waxaana markan ku dhex jira qorshe lagu doonayo in golaha wasiirada cusub ay noqdaan xubno u dhow madaxda sare ee dowladda oo la isku haleyn karo xilliga kala guurka ah iyo hiigsiga cusub iyadoo dhowaan la dhisayo Madasha Qaran ee Wadatashiga.

Xubno muhiim ah oo hadda ka mida Golaha wasiirada ayaa xilalkooda weyn doona, waxaana madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha u harsan oo kaliya dhowr xubnood oo muran ka taagan yahay cidda lagu bedelayo. Qaar ka mida xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa lagu wadaa inay waanwaan hoose lala galo, taasoo uu hogaaminayo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Ilaa 10 wasiir ayaa xilalkooda weyn doona sida ay xogta sheegeyso, waxaana idin soo gudbin doonnaa xubnaha isku shaandheynta cusub saameyn doonto. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa baahi u qaba inuu bedelo dhowr wasiir oo siyaasadiisa ka hor yimid, halisna ku ah xilliga kala guurka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com