25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

DF oo qareenno u diiday wariyaasha Universal & culees lagu kordhiyay Cawil Daahir iyo Kulmiye

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah shaqaalaha Tv-ga Universal ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dhibaatooyin ay kala kulmeen hayada nabad sugida iyo laamaha amaanka dowlada Soomalaiya.

Madaxda wararka Universaltv C/casiis Ibraahim Axmed “Ok”, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in loo diiday iney qabsadaan qareen u dacwooda wariyaasha la shaqeyn jiray ee xiran.

Sidoo kale wariye C/casiis, ayaa sheegay iney laamaha amaanka ka maqleen warar la xiriira in muddo 21 maalin ah ay xirnaan doonaan wariye Cawil Daahir Salaad iyo C/laahi Xersi Kulmiye.

Wuxuu sheegay in wariyaasha iyo muwaadin kasta oo Soomaaliyeed  uu xaq u leeyahay inuu xabsiga ku xirnaado kaliya 24 saac, laakiin taasi aysan ka jirin magaalada Muqdisho.

Wariyaha ayaa sidoo kale sheegay iney yihiin dad Dulmoon, maadaama loo diiday iney qabsadaan qareeno u doodo oo ay kasoo horjeesteen laamaha amaanka ee dowlada Soomaaliya, taasina ay tahay caqabad cusub oo wariyaasha heysata.

Hayada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa cadaadis xoogan sartay TV-ga waxaana laga joojiyay guud ahaan shaqadii ay ka wadeen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News