Xog: Xasan Sheekh iyo mooshin wadayaasha BF oo maanta Villa Hargeysa ku balansan si loogu…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah Magaalada Muqdisho uu ka furmo shir muhiim ah kaasi oo looga xaajoonayo Mooshinkii ay Xildhibaanada ka keeneen Madaxweyne Xasan Sheekh Taariikhdu marka ay aheyd 12ka August 2015.

Shirka ayaa la filayaa inuu ka dhaco Villa Hargeysa, kaasi oo dhexmari doono Madaxweyne Xassan Sheekh, Xildhibaanada Mooshinka wada, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaan doono Mas’uuliyiin kale oo uu kamid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Jawaari ayaa asbuucii lasoo dhaafay iclaamiyay in Octoobar 10, 2015 uu Magaalada Muqdisho ka furmi doono shirkaasi oo fashilmay 7-da bishaani oo u baaqday Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid awgii.

Shirka ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah ka furmo Villa Hargeysa Saacadu marka ay tahay 11:00AM, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaan doono shirkaasi Saraakiil ka socta Maxkamada sare ee dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ugu baaqay Xildhibaanada ku saxiixan Mooshinka inay soo xaadiraan madasha, si ay uga qeybgalaan kulanka oo lagu soo afjarayo Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada loo qabanaayo shirkaasi ayaa dhankooda ka qaadacay ka qeybgalka shirkaasi, waxaana kamid ah Xildhibaanadaasi Wasiirkii hore ee arrimaha Gudaha C/llahi Goodax Barre, Wasiiradii hore ee arrimaha dibadda Foosiyo Yuusu iyo Xildhibaano farabadan oo siyaabo kala duwan warbaahinta uga sheegay in shirkaasi uusan khuseyn.

Lama saadaalin karo in shirkaasi uu maanta fashilmi doono iyo in kale, waxaasa loo badinayaa inuu qabsoomo, iyadoona ay suuragal tahay inuu fashilmo.

Arrintaani oo idil ayaa imaaneysa xili 12-ka August 2015, Xildhibaanno gaaraya 93 ay saxiixeen Mooshin ay ku doonayaan inay xilka uga qaadaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu eedeeyay faragalin hanta Qaran iyo Musuq-maasuq baahsan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com