Sawirro: EU oo ka farxisay kumanaan Somali ah!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Yurub ayaa daboolka ka qaaday in dhaqaale dhan 60 milyan oo Euro ah ugu yaboohday Qaxootiga Somalia.

Lacagtaani ayaa la sheegay in loogu tallo galay qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo daafihiisa.

Warbixinta Ururka Midowga Yurub kasoo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in lacag dhan 50 milyan oo kamid ah lacagtaani loogu talagalay in lagu maareeyo mideynta iyo is dhexgalka qaxootiga laabanaya, barakacayaasha iyo waliba udiyaarinta adeegyada aasaasiga ah.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu qeexay in dhaqaalahaani sidoo kale loo qorsheeyay inay ku baxdo dib ucelinta qaxootiga doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan iyadoona lacagahaasi laga dhex bixin doono lacagtaani uu Ururka Midowga Yurub bixisay.

12345