“Carte iyo xildhibaanada tagay Beledweyne waa ay u afduuban yihiin” Waxaa sidaas shaaciyey…

Beledweyne (Caasimada Online) – Gudoomiyaha degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Maxamed Cismaan Cabdi Qalaafow oo saxaafada la hadlaya ayaa sheegay in qilaaf cusub uusoo kala dhex galay isaga iyo gudoomiyaha Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Qalaafow, ayaa sheegay in maamulka gobolka uusan wada shaqeyn buuxda la laheyn xubnaha maamulka degmada Degmada Beledweyne iyo masuuliyiinta dowlada ee Hiiraan.

Wafdigii uu hogaaminayay Maxamed Cumar Carte ayuu Sheegay Qalaafow in loo diiday iney la kulmaan, sabab ku aadan qilaafka kala dhaxeeyo C/fataax, wuxuuna gudoomiyaha gobolka uu ku eedeeyay inuu afduubtay wafdiga Carte iyo xildhibaanada baarlamaanka ee dhawaan Beledweyne tagay.

Dhinaca kale, Qallaafoow ayaa ku eedeeyay Guddoomiya Afrax in uu isaga ka dambeeyo Colaadda ka dhaxeysa beelaha qaar ee dhawaan ku dagaallamay Gobolka Hiiraan,waxaana uu intaa raaciyay in uu isaga la wareegay dhulalkii danta guud ee Magaalada Baladweyne oo ay Barakacaytaal deganaayeen.

Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa intaa ku daray in Wasaaaradda arrimaha gudaha iyo Madaxweynahaba ay ka war qabaan Khilaafka u dhaxeeya Guddoomiyaha Gobolka iyo Guddoomiyaha Magaalada Baladweyne.

Wafdiga Ra’isalwasaare ku xigeenka ayaa halkaa u tagay in ay qiimeyn ku sameeyaan Xaaladda Roobka ka da’ay Hiiraan iyo saameynta uu ku yeeshay dadka Barakacayaasha ah,waxaan Qallaafoow uu sheegay inmarka laga reebo Guddoomiya Afrax aysan inta kale ee ku jirta maamulka Gobolkja iyo kan magaaladaba aysan la kulmin Wafdiga Ra’isalwasaare ku xigeenka iyaga oo ka gadoodsan ogeysiis la’aanta.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com