Xog: Boqorka dalka Sacuudiga oo Xasan Sheekh weydiiyay su’aal uu in muddo ah la aamusnaa..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Riyadh ee caasimadda dalka Sacuudiga, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xassan uu kulan hordhac ah la qaatay Boqorka dalkaasi, Salmaan Bin C/casiis.

Wararku waxa ay sheegayaan in Boqorka uu Madaxweyne Xassan wax ka weydiiyay Siyaasada Somalia, Musuq-maasuqyada ay Beesha Caalamka ka aaminsan tahay Somalia iyo doorashada la filaayo in dhawaan ay ka dhacdo Somalia.

Madaxweyne Xassan ayaa Boqor Salmaan Bin C/casiis u sheegay in Somalia ay iminka kasii bogsaneyso burburkii ku habsaday tan iyo markii ay dhacday Dowladii Dhexe ee Somalia, waxa uuna cadeeyay inay jiraan wararka la xiriira Musuqa oo ay Beesha Caalamka ku tuhmeyso DF Somalia, balse ay Dowladu wado qorshayaal looga hortagaayo.

Xassan Sheekh waxa uu tilmaamay inay adag tahay in mar qura la ciribtiro musuq-maasuqa sababo uu ku sheegay in Somalia aysan laheyn Hay’addo tayo leh oo la socda miisaaniyada usoo xaroota dowlada.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale Boqorka u cadeeyay in DF Somalia ay wado nidaamkii lagu hirgalin lahaa dhicida doorashada islamarkaana Dowlada Sacuudiga ay xiligaani uga baahan yihiin garab walaaltinimo si loo xaqiijiyo hadafka laga leeyahay doorashada.
1

2

3

4

5

6

7

8

9