Hal sabab oo ka dambeysa dilalka xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya oo sanadkii hore loo qoondeeyay in Xildhibaan kasto uu yeesho laba askari oo ilaalo ah, ayaa waxaa la sheegay kala bar Xildhibaanadu inaanay haysan wax ilaalo ah.

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen (Boodaaye) oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ee ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa maanta ka hadlay arrintaasi, isagoona booliska ku eedeeyay inaysan ka soo bixin wixii ay horey u ballanqaadeen.

Xildhibaan Cali Nuur Xuseen, ayaa yiri “Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa loo qoondeeyay laba askari oo boliis ah iyo laba qori, nasiib darro boliiska sidii ay ballanqaadeen kama aanay soo dhalaalin.”

“Baarlamaanka kala bar oo bar waxaa loo sheegay in hadda hub aan loo haynin, oo hubkii uu dhammaaday. Waxay dhaheen waa idin siin karnaa askarta, laakiin idinka qoryo u raadsada.”

“Anagu qoryo ma samayno, ciidan-na ma nihin, meel aan qoryo uga keeni karnana maleh, waxaan la dirireyno waxaa weeye hubkii suuqa lagu gadi jiray oo ah hebel suuquu tegay oo hub ka soo iibsaday, waa waxaan la dirireyno.”

“Waa in ciidanka boliisku ka jawaabaan, sababta ay Xildhibaanada aanay weli hubka u helin, welina hubkooda u la’yihiin. Ciidanka boliiska oo amnigeena naloo soo siiyay laftigooda waa shaqaale, miisaaniyadoodana waxaa naloogu soo daray Baarlamaanka.”

“Hadana waxay dhib ku qabaan marwalba waxaa looga yeeraa Taliska Booliska, oo la lee yahay soo xaadira, in la’idin hubiyaa la rabaa. Waxaa laga yaabaa toddobaadkii inay mar ama laba ay ku maqan yihiin inay boliiska iska xaadariyaan.”

“Xildhibaanka oo shaqo leh waxaa laga yaabaa in askarigu uu is xaadirin ku maqan yahay, waxaad ku khasban tahay maalintaas inaad iska joogto oo gurigaaga joogto ama si kale aad amnigaaga ku sugto oo hawlahaaga soo qabsato.” Ayuu sii raaciyay Xildhibaan Boodaaye oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA.

Sabtidii, ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho lagu dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan, xilli uu bilaa ilaalo ahaa. Waxaana baxsaday dembiilayaashii dilay.

Tan iyo markii sanadkii 2012-ka la sameeyay Baarlamaanka hadda jira, ayaa waxaa Magaalada Muqdisho lagu dilay 15 ka mid ah Xildhibaanada, sida uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com