Dowladda Soomaaliya oo soo saartay farriin ku wajahan Cabdi Welli Gaas iyo GUULEED kadib….

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa kahadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee dhexmaray ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, oo deegaan ahaan kasoo jeeda Galmudug ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamulada Deris ah ku dagaalamay hal magaalo oo ay ku wada sugan yihiin, wuxuuna fariin u diray madaxweynayaasha labada maamul.

Wasiir Odowaa, ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland iskugu yimaadaan miiska wadahadalka si loo dhameeyo xiisada soo laalaabatay ee u dhaxeyso labada maamul ee ay madaxweynayaasha ka yihiin.

Wuxuu cambeeray weerarka maanta, isagoo hadalkiisa sii watta ayuuna tacsi u diray ehelada dadkii maanta ku dhintay weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Ugu dambeyn wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka digay iney soo laabtaan dagaalo kale oo ka dhaca magaalada Gaalkacyo, ana fiiriyo waxyeelada soo gaareyso dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamayo, sida uu sheegay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com