Hiigsiga 2016-ka oo u xayiran xiisada Gaalkacyo

Garoowe (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Islaam Madoobe, madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa si cad u sheegay in shirarka hiigsiga sanadka 2016 aanan laga tashan doonin iyada oo aan xal buuxa laga gaarin xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Gaalkacyo.

Maalintii shalay ayuu saxaafada isaga oo kula hadlaya magaalada Garowe wuxuu sheegay iney si deg deg ah u tageen magaalada Garowe, sabab la xiriira dagaaladii dhimashada sababay ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay iney baadi goobayaan nabad iyo xasilooni ay ku wada noolaadaan maamulada deriska ah, laakiin aysan habooneyn in markale dagaalo ka dhacaan magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada labada maamul degaan.

“Shalay waxaa lagu mashquulsanaa 2016 iyo waxii la sameyn lahaa, laakiin hadda xaajada halkaa wey kasoo gudubtay Gaalkacyo ayay joogtaa, iyadoo la dhameyn xiisada magaalada Gaalkacyo 2016 lagama hadlayo iskaba daaye 2017″ayuu yiri Axmed Madoobe

Axmed Madoobe ayaa carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in wadada nabad iyo horumarka la qaadaa oo dhufeysyada ciidamada laga dhigaa goobo waxbarasho iyo ceel biyoodyo.

Hadalka Axmed Madoobe ayaa u muuqanaya mid uu ku cadeynayo in xiisada Gaalkacyo dib u dhigi karto shirarka looga hadlayo hiigsiga sanadka soo socda ee 2016.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com