Qorshe Ethiopia ay la damacsan tahay Galkacyo oo laga digay iyo mas’uul sare oo sir shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee Hayada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa shaaciyay iney ka warheleen xogo sheegaya in mid kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya doonayo inuu ciidamo geeyo magaalada Gaalkacyo.

Fiqi, oo ka hadlayay xaflad xisbiga uu xoghayaha ka yahay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiisada magaalada Gaalkacyo marka hore loo abuuray in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo magaalada.

Wuxuu si rasmi ah kaga digay in magaalooyin kale ee nabadoon la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, islamarkaana dadka deegaanka ka fogaadaan iney ku dagaalamaan magaalo kale oo nabad ah, sida uu sheegay.

“Gaalkacyo waxa ka dhacay waxay ahaayeen wax dan laga lahaa, waan ognahay in mid kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya doonayo in ciidamo halkaasi la geeyo, marka waxaan leeyahay yaan la ogolaanin in ciidamo shisheeye la geeyo magaalo kale oo nabad ah”ayuu yiri Fiqi.

Sidoo kale Fiqi, ayaa si adag kaga hadlay sida Beesha caalamka aysan daacad kaga aheyn dhismaha ciidan qaran oodowlada Soomaaliya ay yeelato.

Wuxuu sheegay in dhaqaalo badan lagu bixiyo ciidamada ajaaniibta ah ee kusugan Soomaaliya, laakiin aysan jirin qorshe dib loogu dhisayo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

“beesha caalamka haddii daacad ka yahay dhismaha ciidamada Qaranka, dhaqaalaha la siiyo AMISOM kala bar kaliya haloo jaro, laakiin waxaa iska cad ineysan daacad ka heyn beesha caalamka dhismaha ciidamo qaran”ayuu hadalkiisa kusii daray Fiqi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com