25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaan caan ah oo Muqdisho ku geeriyooday

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ku geeriyooday Xildhibaan Sadiiq C/kariin Maxamed oo ka tirsanaa Golaha BFS.

Xildhibaanka ayaa mudooyinkaani danbe ahaa mid ku xanuunsanaa Magaalada Muqdisho, iyadoo ugu dambeyn uu maanta u geeriyooday xanuunkii hayay.

Geerida Xildhibaankaani ayaa waxaa Saxaafada u xaqiijiyay Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka tirsan BFS waxa uuna sheegay in Xildhibaanka uu u geeriyooday xanuun maalmahaani danbe hayay.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Sadiiq, ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho aas loogu sameeyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaankaasi ku timid.

Xildhibaan Maxamed Cumar ma uusan sheegin xanuunka hayay Xildhibaanka ee sababay geeridiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News