Sawirro: Kay & Madeira oo si kadis ah isku arkay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ku kulmay wakiilka Xoghayaha QM ee Somalia ahna madax xafiiska UNSOM Nicholas Kay iyo Wakiilka cusub ee Midowga Afrika usoo magacawday Somalia ahna madaxa AMISOM Jose Madeira.

Kulanka ayaa ahaa isbarasho dhexmareysay labadaasi mas’uul, waxaana isbarashada barbar socday xogo ay is weydaarsanayeen.

Kay waxa uu Jose Madeira uga warbixiyay xaalada guud ee Somalia, amaanka iyo isbedelada ay DFS sameysay mudada ay xilka heyso.

Intaa kadib Kay waxa uu kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isaga oo fakir wanaagsan ka siiyay amaanka oo ah mid ka wanaagsan sidii hore.

Nicholas Kay oo wakhtigiisu geba gaba yahay ayay ubadan tahay inuu kulankan talooyin iyo waaya aragnimadii uu ka dhexlay Soomaaliya kula wadaagayo wakiilka cusub ee AU Jose Madeira.
22929635784_2bf1927cf3_z

23449356852_24c7a833f1_z

ka