Dhageyso: Gaas & C/Kariin Guuleed oo loo digay

Muqdisho (Caasimada Online) – C/rashiid Maxamed Xidig, wasiiru dowlaha wasaarada arimaha gudaha dowlada Soomaaliya oo ka hadlayay xiisadii dagaal ee ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa fariin u diray dadka doonaya iney huriyaan colaadii laga hishiiyay ee magaalada Gaalkacyo.

Xidig, ayaa xusay in xiligan aan la joogin waqtigii la hurin lahaa colaado sokeeyo oo dhexmara dad walaalo ah oo wada daga, loona baahan yahay in hal mee looga soo wada horjeesto dadkaasi oo idil.

Wuxuu cadeeyay iney aad ula yaabeen markii dadkii ugu badnaa ee Soomaaliya ku mashquuleen xiisadii magaalada Gaalkacyo, isagoo ku tilmaamay iney tahay mid muujineysa isku soo dhawaanshaha Soomaalida, maadaama ay ka wada xumaayeen waxii Gaalkacyo ka dhacay.

Xidig, ayaa digniin u jeediyay maamulada Puntland iyo Galmudug iyo cid walba oo dooneysa iney huriso colaadii Gaalkacyo ee la damiyay, wuxuuna sheegay iney hal meel Soomaalida oo idil uga soo wada jeesan doonto la iskana qaban doono.

Madaxda Galmudug iyo Puntland ayaa shalay si rasmi ah uga dhabeeyeen hishiiskii ka dhacay  Gaalkacyo ee dhigayay in ciidamada la kala qaado, lana soo celiyo dadkii magaalada ka cararay

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com