Amisom oo ka hadashay ciidamada Gaalkacyo.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay in ciidamo dalalka deriska kana mid ah AMISOM la geynayo magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa arintaasi ka hadlay saraakiisha ciidamada AMISOM ee howlgalka u joogo Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa ka hadlay warar maalmihii u danbeeyay warbaahintu hadal heysay oo ahaa in ciidamo Amisom ah gaar ahaan Itoobiyaan ah la geynayo Gaalkacyo oo dhawaan dagaalo ku dhexmareen Maamulada Galmudug iyo Puntland.

Paul Najaguna oo ah Afhayeenka Ciidamada Amisom ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray qorshaha Amisom inaaney ku jirin ciidamo ay hada geeyaan Gaalkacyo.

Afhayeenka wuxuu dhanka kele ka dhawaajiyay in haddii loo baahdo ciidamo Amisom oo gaalkacyo la geeyo ay ku xiran tahay dalab kaga yimaada Dowlada Soomaaliya.

“dowlada Soomaaliya hadii ay naga dalbato ayaan ciidamo geyn karnaa Gaalkacyo si kale wax ciidana kuma tagi karaan Gaalkacyo”ayuu yiri Paul Najaguna afhayeenka ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com