Mashruuca wadatashiga 2016-ka ee shisheeyuhu uu wato oo xog xasaasi ah laga soo saaray (Aqri)

Warmurtiyeedka Gurmad ee Mashruuca Wadatashiga 2016ka ee Shisheeyuhu Wato

Soomaaliya waxay gaartay marxalad adag oo u baahan in la diyaariyo hab talada siyaasadeed ee dalka lagula kala wareego 2016.  Shir lagu sheegay Wadatashi Qaran ayaa la qabtay 19kii iyo 20kii Oktoobar, 2015 si looga wada hadlo hannaanka doorashada ee 2016. Mashruucan wadatashiga lagu sheegay waxaa awooddii baarlamaanka Soomaaliyeed iyo tii guddiga doorashooyinka qaranka kula wareegay shisheeye ku adeeganaya dhowr qof oo Soomaali ah oo danahooda eeganaya.

Hadda ka hor, Gurmad waxay caddaysay in aan loo hayn wax sharci ah iyo sabab kale toona in la raaco hannaanka shisheeyuhu riixayo ee lagu sheegay wadatashiga; iyo in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in la sii wiiqo hay’adaha tabarta daran ee dowladda iyo in hanti lagu lumiyo hawlo aan dalka dan u ahayn. Gurmad waxay ku dhawaaqday in taas baddelkeed la dhiso hay’adaha dastuuriga ah lana diyaariyo xeerarkii lagu dhaqi lahaa dalka si loo helo nidaam shaqaynaya oo ku dhisan isla xisaabtan. Gurmad waxay kaloo ku tirtirsiisay baarlamaanku in uu meel mariyo xeerka doorashooyinka si loo soo afjaro dhaqan xumadii hore ee ahayd in si aan sharciga waafaqsanayn hannaanka siyaasadda Soomaaliya mar walba loogu gacan geliyo ururro shisheeye.

Soomaaliya uma dulqaadan karto tijaabo dambe oo shisheeye soo dhoodhoobay oo aan ka turjumayn rabitaanka dadka iyo danta dalka Soomaaliya. Haddaba, si aanay dadka Soomaaliyeed marti uga noqon aaya-ka-talinta dalkooda, Gurmad waxay soo saartay qodobbadan:

  1. Gurmad waxay si adag ugu celcelinaysaa in baarlamaanka Soomaaliya uusan awooddiisa dejinta xeerarka doorashada ku sii deynin ‘golaha wadatashiga’ oo ah mashruuc ay dejiyeen hay’ado shisheeye ah, oo si sharciga ka baxsan inta qoray “noocyo doorasho” hor geeyay dad ay iyagu soo xusheen oo saacado kooban ku shiray dhowr magaalo oo dalka ah. Haddaba, si looga baaqsdo in awoodda sharci dejinta laga boobo, baarlamaanka Soomaaliya waa in uu si degdeg ah u billaabo doodda sharciyada doorashooyinka sida xeerka xisbiyada siyaasadda. Sharciga doorashadu waa in uu qeexaa hannaan sharci ah oo Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinku uu ku maarayn karo xil wareejinta 2016 iyada oo la raacayo jadwalka dastuurka.
  1. Waxa loogu yeeray “Golaha Wadatashiga” ma ahan hay’ad dastuuri ah, mana lahan awood sharci ah. Sidaas awgeed, go’aammada ka soo baxa waxa qudha ee ay ka dhiganyihiin in rag isku dan ah oo shisheeye u shaqeeya ay is gacan qaadeen. Gurmad waxay cambaaraynaysaa in dib loogu noqday xilligii kumeelgaarka ahaa ee ay saxiixayaashu ku heshiinayeen “roadmap” ay shisheeye soo dejiyeen. Gurmad waxay ka dalbanaysaa hoggaamiyayaasha Soomaaliyeed ee qaybta ka ah hannaankan aan sharciga waafaqsanayn iyo shisheeyaha dabada ka riixaya in ay joojiyaan afduubka shaqada hay’adda baarlamaanka iyo hay’adaha kale ee qaranka.
  1. Gurmad waxay ku tirtirsiinaysaa hay’adda fulinta iyo maamul goboleedyadu in ay ixtiraamaan madaxbannaanida hay’adaha iyo guddiyada madaxa bannaan, gaar ahaan Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyaga oo tixgelinaya in qodobka 111G ee dastuurka Soomaaliya uu dhigayo in doorashooyinka dalka ay maarayn doonto guddi qaran oo madax bannaan kaas oo ka madax bannaan faragelinta hay’adda fulinta. Sharcigu wuxuu leeyahay “Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinku waa in uu ka madax bannaanaado hay’adda fulinta wuxuuna lahaan doonaa miisaaniyad u gaar ah oo uu iskiis u maamusho.”

 

  1. Gurmad waxay ku ammaanaysaa baarlamaanka horumarka uu ku tillaabsaday bilihii la soo dhaafay dhanka sharci dejinta iyada oo ay hor yaallaan xeerka maxkamadda sare iyo kan xisbiyada siyaasadda. Gurmad waxay ugu baaqaysaa baarlamaanka in uu isu taago mas’uuliyadda ka saaran meel marinta sharciyada iyo samaynta hay’adaha dastuuriga ah ee lama huraanka u ah in 2016ka si sharci ah xilka looola kala wareego. Gurmad waxay ku han weyntahay in hay’adda baarlamaanku ay mudnaan siiso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Gurmad waxay diyaar u tahay in ag is garab taagto baarlamaanka haddii ay tahay diyaarinta sharciyada iyo qoraallada siyaasadda ee loo baahanyahay iyo in shacabka Soomaaliyeed taageero looga helo in baarlamaanku hoggaamiyo hannaanka kala guurka 2016.
  1. Gurmad waxay cambaaraynaysaa colaadaha beelaysan ee dhowaanahan ka dhacayay magaalada Gaalkacyo waxayna ugu baaqaysaa dhinacyada oo dhan in ay soo af jaraan colaadda. Gurmad waxay ka digaysaa in colaadda Gaalkacyo kuwo la mid ah ay ku faafaan dalka oo dhan haddii shacabka Soomaaliyeed aysan diidin tijaabooyinka siyaasadeed ee shisheeyuhu riixayo iyada oo lagu gabbanayo in la dhisayo nidaam federal ah ama doorasho la qabanayo.
  1. Gurmad waxay si dhow ula socotaa xaaladda dalka waxayna diyaarin doontaa talooyin ay dadka Soomaaliyeed kula yeelanayaan ayaahooda siyaasadeed haddii dadka xilka haya ay dhegaha ka furaystaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo ay sii wadaan in ay u adeegaan shisheeyaha dadka kala fogeynaya illaa 31 Diseembar 2015.

Gabagabadii, Gurmad waxay xaqiijinaysaa in si xalaal ah loola kala wareego awoodda dalka 2016ka ay ku xirantahay in shacabka Soomaaliyeed lahaado hannaanka oo dhan taas oo la’aanteed wixii la sameeyo ay iska noqonayaan luggooyo iyo khasaare. Dowladnimada Soomaaliya waa la soo celin karaa haddii shacabka Soomaaliyeed ay baraarugaan, markii aynu si niyad sami ah uga wada shaqayno dib-u-heshiisiin dhab ah, markii aan isu taagno gobannimadeenna oo aan ka codsanno saaxiibbadeen in ay gees u yara joogsadaan, oo aan iska riixno colkeenna iyo kuwa xumaha nala jecel, oo aan ka hor nimaadno kuwa taariikhda madow leh ee u iib geynaya dalkeenna iyo mustaqbalkiisa si ay u gaaraan dano iyaga gaar u ah.

Wixii faahfaahin ah, nagala soo xiriir info@gurmadsomalia.org. ama booqo bogga internetka http://www.gurmadsomalia.org