Dhaawacyadii labaad ee Puntland oo la keenay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaarado wadda qeybtii labad dhaawacyadii soo gaaray ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta kasoo tagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradaha ayaa waxaa saarnaa dhaawacyada ugu daran ee ku waxyeeloobay dagaalkii ugu dambeeyay ee ciidamada Puntland iyo Galmudug ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo, waxaana la dhigay xarumo caafimaad oo Muqdisho ku yaala.

Dhaawacyada qaar oo daran ayaa la dhigay isbitaal Turkiga maamusho halkaasi oo lagu baxnaaninayo sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka ee maamulka Galmudug oo la hadlay Idaacada Risaala oo kamid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in dhaawacyada laga keenay magaalada Gaalkacyo laguna dabiibayo magaalada Muqdisho,

Hishiiskii magaalada Gaalkacyo ku kala saxiixdeen Gaas iyo Guuleed ayaa waxaa qeyb ka ahaa in dhaawacyada ugu daran la geeyo magaalada Muqdisho.

Qeybta koowaad ee dhaawacyada oo ciidamo u badan ayaa shalay aga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan ee magaalada Muqdisho waxaana la dhigay isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com