Xog: Colaaddii Guuleed iyo Gaas oo u wareegtay Shariif Xasan Sheikh Aadan iyo Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa siyaasad cakiran ay iminka ka dhex curatay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shariif Xassan ayaa ku kala tagay colaadaha ka dhextaagnaa maamulada Galmudug iyo Puntland, kadib markii Shariif Xassan uu Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu sii ololinaayo Colaada labada maamul.

Shariif Xassan ayaa la soo warinayaa in Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Arriimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa uu ku wargaliyay in Axmed Madoobe uu carqalad ku yahay in laga gudbo colaada labada maamul, waxa ayna taasi sababtay in Shariif Xassan uu caro uga duulo magaalada Gaalkacyo isaga oo dib ugu laabtay Baydhabo.

Madaxweyne Shariif Xassan ayaa Gaalkacyo ka duulay saacado ka hor xiligii uu burburay heshiiskii ay wada galeen Galmudug iyo Puntland, sababo la xiriiray arragti fog oo uu ka qaatay xalin la’aantii maalmahaani ka taagneyd Gaalkacyo.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Sha
riif Xassan uu wacad ku maray inuusan ka qeybgali doonin gogol uu goobjoog ka yahay Axmed Madoobe waa haddii aan wax laga bedelin Colaadaha uu mar waliba u taagan yahay Axmed Madoobe.

Shariif Xassan ayaa maalmahaani banaan joog ka ahaa shirarkii ka socday Gaalkacyo, waxa uuna shirkaasi uga baxay Axmed Madoobe Aawagii, sida aan xogta ku heleyno.

Siyaasada Axmed Madoobe ee xalinta Colaadaha Galmudug iyo Puntland ayaa aheyd mid u janjeertay dhanka Puntland waana sababta uu Shariif Xassan uga cararay Gaalkacyo.

Shirarkii ka socday Gaalkacyo ayaa maslaxad u ahaa Galmudug iyo Puntland, balse waxa ay colaad horleh u abuurtay maamulada Jubba iyo Koonfur Galbeed.

Dhank kale, Shariif Xassan iyo Axmed Madoobe ayaa siyaasad ahaan isku khilaafsan Siyaasada dalka, waxa uuna Khilaafkooda ka dhashay deegaano labada maamul mideeya oo muran dhaliyay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com