XOG: Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo wada arrin ka careysiin doonta beelaha MUQDISHO.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Jimcaale uu wado nidaam cusub oo ka duwan nidaamyadii looga bartay maamuladii isaga ka horeeyay.

Ilo wareedka ayaa soo sheegaya in Gudoomiyaha uu iminka diyaariyay Liis aad u dheer oo lagu sameynaayo magacaabis iyo isku shaandheyn uu ku sameyn doono Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo guud ahaan xubnaha kale ee xilalka kala duwan ka hayo Gobolka Banaadir.

Qorshahaani ayaa lasoo warinayaa inuu cagsi ku noqon doono nidaamka 4.5 ee sharciga awood qeybsiga u ah Beelaha Soomaaliyeed.

Qorshahaani diyaarinta ku socto ayaa waxaa ku bixi doono mas’uuliyiin badan oo iminka xilal ka haya maamulka, iyadoona xilalkaasi loogu dhiibi doono mas’uuliyiin uu isaga wato.

Degmooyinka qaar ayaa la sheegayaa in loo dhiibi doono beelo aan horay Gobolka Banaadir uga arimin, halka Xafiisyada kale ay kusoo biiri doonaan mas’uuliyiin aan horay uga soo dhexmuuqan Siyaasada Somalia.

Gudoomiyaha Gobolka Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa dadaal ugu jira ciribtirka nidaamnka 4.5, kaasi oo inta badan Beelaha Soomaalida u ah mid ay ku kala qeybsadaan xilalka Dowlada, waxa uuna juhdi badan galinayaa sida Degmooyinka ay uga arimin lahaayen Beelo aan deegaan ahaan degin Muqdisho.

Siyaasada Sheekh Yuusuf Jimcaale ayaa ah in Umadda Soomaaliyeed ay u wada sinaadaan Gobolka Banaadir islamarkaana waxa uu xooga saaraya baabi’inta fakirka la xiriira in muwaadin Soomaaliyeed uusan xil ka qaban karin Gobol uusan degin amaba uusan kasoo jeedin.

Arrintaani ayaa lama filaan ku noqon doonta Beelaha dega Gobolka Banaadir ee inta badan dhaxal ka dhigtay in Degmooyinka qaar aysan ka arrimin cid aan kasoo jeedin Beesha Degmadaasi u badan.

Lama oga caqabadaha ka dhalankara qorshahaani la sheegay in Sheekh Yuusuf Jimcaale uu ku doonaayo inuu ku maamulo Gobolka Banaadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com