Xog: Ethiopia oo qiyaantay lix sarkaal oo DFS ah

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada Ethiopia ayaa xabsiga dhigay saraakiil ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo kus ugan degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, sida warbaahiin ay u sheegeen xubno maamulka ka tirsan oo sababo amaan uga gaabsaday lahadlida saxaafada.

Ku dhawaad lix sarkaal oo ka tirsanaa maamulka degmada Garbahaareey ayay ciidamada dowlada Ethiopia ku xireen saldhiga degmada Garbahaareey, lamana oga sababta saraakiishaasi xabsiga loo dhigay.

Saraakiisha ciidamada Ethiopia xabsiga ay dhigeen waxaa kamid ah taliyihii ciidamada dowlada ee degmada Garbahaareey iyo madaxii maaliyada degmada, kuwaasi oo lagu xiray saldhiga degmada.

Warar kale oo dadka deegaanka aan ka heleyno ayaa sheegaya in ciidamada xabsiga ay dhigeen afar kale oo saraakiil ciidan ahaa kuna sugnaa degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Ciidamada ayaa qiyaanay saraakiisha ay xabsiga dhigeen, waxaana la sheegay iney ugu yeereen saldhiga magaalada kadib markii loo sheegay iney shir amni kaga qeyb galayaan saldhiga, balse markii dambe iyaga ayaa xabsiga la dhigay.

Ciidamada dowlada Ethiopia ee lagu biiriyay howlgalka AMISOM ayaa sida ay doonaan ka yeela dalka Soomaaliya mana ka amar qaataan saraakiisha iyo taliska ciidamada AMISOM sida uu horey u shaaciyay sarkaal Jabuutiyaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo 
Caasimada@live.com