Daawo Video: Puntland oo sheegtay hadal dib u soo nooleyn kara xiisadii magaalada Gaalkacyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Puntland  Cabdi Xersi Cali “Qarjab”, oo wariyaasha kula hadlay magaalada Garowe kadib safar uu kaga soo laabtay dalka India ayaa u hadlay sida qof aan waxba kala socon guulihii laga gaaray dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wasiirka ayaa jeediyay hadalo wax u dhimi kara guushii shalay laga soo tabiyay magalaada Gaalkacyo kadib markii magaalada labada dhinac si nabad ah ugu kala gudbeen madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo Quraac sharaf iyo Qado Sharaf isku sameeyay.

Qarjab, ayaa sheegay in maamulka Galmudug loo sameeyay in lagu carqaladeeyo amaanka deegaanada Puntland, uuna yahay mid aan si xalaal ah loo dhisin sida uu  hadalka u dhigay.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in dhibaatada ka taagan Soomaaliya laga soo maleego inta u dhaxeyso Xaafada Baraxleey oo Galmudug ka taliso ilaa degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Hoos ka daawo muuqaalkiisa

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com