Masuul ka tirsan maamulka Ahlu-Suna oo la dilay

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan oo aan la garan ayaa lagu soo waramayaa iney toogasho u geysteen masuul ka tirsan maamulka Ahlu sunna ee gobolada dhexe, xili uu ku sugnaa deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dilka ayaa ka dhacay deegaanka Olol oo tirsan gobolka Galgaduud, waxaana lagu soo waramayaa in dilka loo geystay masuul ka tirsanaa maamulka Ahlu sunna oo ku sugnaa deegaankaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay Faysal Yuusuf Goobe, oo kamid ahaa xubnaha maamulka Ahlu sunna, sida laga soo xigtay saraakiil Ahlu sunna ka tirsan oo saxaafada la hadlay.

Wararka aan ka heleyno deegaaanka Olol ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in loo maleynayo in dilka Faysal uu ku saleysan yahay aano qabiil, laakiin lama xaqiijin karo arimahaasi.

Kooxaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta uu falka ka dhacay, waxaana deegaanka gaaray xubno ka tirsan maamulka Ahlus unna ee gobolada dhexe.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com