Xog: Beesha XAWAADLE oo ku kala qeybsantay siyaasada cusub ee madaxweyne Xasan Sheikh

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Odayaasha Beesha Xawaadle ay ku kala jabeen wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Xassan Sheekh oo lagu magacaabay Yuusuf dabageed oo ah Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan.

Odayaasha qaar ayaa sheegay inaysan la shaqeyn doonin Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, halka kuwa kale ay sheegen in wareegtadaasi ay soo baxday xili munaasab ah.

Cusman Aadan oo kamid ah Odayaasha ayaa sheegay in madaxweyne Xassan uusan ka shaqeyn horumarka Gobolka, islamarkaana uu doonaayo in Hiiraan uu ka abuuro Siyaasado colaad la socto.

Cusman waxa uu farta ku goday in Yuusuf Dabageed uusan waxba dhaamin gudoomiyihii xilka laga qaaday C/fitaax Afrax, waxa uuna cadeeyay in Dabageed uu dhibaato badan horay uga geystay Hiiraan, iminkana ujeedka loo soo magacaabay uu yahay inuu sii kala fogeeyo Beesha Xawaadle.

”Xassan Sheekh waxa uu Dabageed ku magacaabay rabitaankiisa cidna ma uusan kala tashan magacaabidiisa”
”Dabageed kuma imaan rabitaanka Odayaasha iyo shacabka, tani waxaan u arkaa in Xassan Sheekh uu colaad ka dhex abuuraayo Beesha Xawaadle”

Sidoo kale, Xusein Nuur oo kamid ah Odayaasha Hiiraan ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Dabageed uu waxbadan kusoo biirin doono Horumarka, Xasiloonida iyo amaanka Gobolka Hiiraan waxa uuna ballanqaaday inay la shaqeyn doonaan.

Waxa uu intaa hadalkiisa raaciyay in Dabageed uu waxbadan ka wanaagsanaan doono gudoomiyihii xilka laga qaaday C/fitaax Afrax, waxa uuna bogaadiyay xilka cusub ee loo magacaabay Yuusuf Dabageed.

”Odayaasha waxaa laga doonayaa in si hufnaan ay ku jirto ay ula shaqeeyaan maamulka Cusub, Dabageed waxaan isna ka rajeyneynaa inuu ka fogaado dhaliil iyo nin jecleysi si loo helo Siyaasad wanaagsan”

Dhanka kale, isbedelka lagu sameeyay maamulka Gobolka Hiiraan ayaa imaanaya xili gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax lagu eedeeyay dilka Sargaal ka tirsanaa QM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com