R/Wasaarihii hore ee Somalia oo tagay JOWHAR

Jowhar (Caasimada Online) – Wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya iyo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Finland ayaa maanta tagay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe oo marti gelineysa shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirka kaluumeysiga iyo qeyraadka Badda Mr Ceymooy ayaa hogaaminayay wafdiga maanta tagay magaalada Jowhar, waxaana kamid ahaa xildhibaano ka tirsan baarlamaanka iyo xildhibaan asal ahaan la sheegay inuu kasoo jeedo Soomaaliya oo ka tirsan baarlamaanka Finland.

Sidoo kale waxaa xubnaha wafdiga kamid ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo xubno kamid ah dowlada Soomaaliya.

Agaasimaha warbaahinta maamulka Shabeelaha Dhexe C/kariin Cumar Macalin oo wariyaasha la hadlay kulan ay wada qaateen maamulka Shabeelaha Dhexe iyo wafdiga kadib ayaa sheegay in wafdiga ay agab caafimaad ku wareejiyeen maamulka Shabeelaha Dhexe.

Cali Maxamed Geedi, ayaa dhankiisa sheegay in agabka caafimaad ee lagu wareejiyay maamulka Shabeelaha Dhexe laga keenay dalka Finland maadaama uu ku deeqay maamul gobol oo ku yaala dalka Finland.

Magaalada Jowhar ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqii ugu dambeeyay ee ku aadan marti gelinta shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com