Wasiir ku dhowaaqay inuu is-casilay + Sababta

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya inuu iscasilay mid kamid ah wasiirada maamulka Koofur kadib culees badan oo soo wajahay.

Wasiirka iscasilay oo lagu magacaabo Cumar Dheere ayaa wuxuu ahaa wasiirka dalxiiska iyo duurjoogta maamulka Koofur Galbeed, maanta ayuuna ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Koofur Galbeed.

Sababta uu isku Casilay ayuu ku sheegay faro gelin shaqada ah uu ku hayey Madaxweynaha Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan Sidaa awgeedna uu udul qaadan waayey gacan dhaafkaasi.

Cumar dheere ayaa usheegay Idaacad ku taalla Muqdisho inuu wixii maanta ka dambeeyo uusan aheyn Wasiir katirsan ama xil uhaya Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan weli kama uusan hadlin is casilaada Wasiirkaasi uu ku dhawaaqay.