Jawaari oo ka dhabeeyay hanjabaad uu jeediyay

Muqdisho (Caasimada Online)- Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, ayaa shaaciyay in la ganaaxay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka oo muddo badan ka maqnaa kulamada  baarlamaanka.

Xildhibaanada ayuu shaaciyay iney gaarayaan inka badan 20 xildhibaan kuwaasi oo uu sheegay iney marar badan ka maqnaayeen kalfadhiyada baarlamaanka Soomaaliya.

Lacagta lagu ganaaxay xildhibaanada ayaa laga jarayaa musharaadka ay qaataan xildhibaanada, iyadoo loo gudbiyay gudbiga anshaxa ee baarlamaanka Soomaaaliya.

Sida uu ku dhawaaqay gudoomiye Jawaari xildhibaanada ayaa ka maqnaa kulamada baarlamaanka inta badan 7 maalin oo fasaxa caadiga ah, waxaana la ganaaxay min 600 oo doolar sida uu sheegay.

“Xildhibaano badan ayaa jiray oo maqnaa 50% kulamada baarlamaanka, waana la ganaaxay oo xildhibaanadaasi magacyadii iyo lacagta lagu ganaaxay oo gaareyso 600 doolar waxaa loo gudbiyay gudiga Anshaxa baarlamaanka”ayuu yiri Jawaari.

Wuxuu kaga digay xildhibaanada kale iney ka maqnaadaan kulmada baarlamaanka maadaama ay horyaalaan howlo badan sida uu ku dhawaaqay Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com