Xog: Wasiir Odowaa oo shaaciyay sir ku saabsan dhismaha maamulka Hiiraan & Shabellaha Dhexe

Beledweyn (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), ayaa shaaciyay xog ku saabsan waxyaabaha iminka qasbay in lagu dhawaaqo halka lagu qabanayo shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo halka caasimada noqoneyso.

Wasiir C/raxmaan Odowaa, wuxuu sheegay in maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka maqan yahay madasha wadatashiga qaran oo kaliya wakiilo ay u joogeen.

Wuxuu tilmaamay in ka maqnaanshaha maamul goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka maqan yahay shirka lagu go’aaminayo doorashada ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka soo socdo ay culees ku tahay dowlada Soomaaliya.

Laakiin xiligan ayuu sheegay in loosoo jeestay sidii sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhisi lahaa maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, caasimadana laga dhigay magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

“Maqnaashaha Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ka maqan yihiin madasha wadatashiga waxey culees ku noqotay dowlada Soomaaliya, laakiin waxaa hadda loosoo jeestay sidii dhaqso loo sameyn lahaa maamulkaasi oo dadka u yeelan lahaayeen hogaan ay doonayaan”ayuu yiri wasiir Odowaa.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa hadalkaasi u fasiray in hogaanka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka taageeri kari lahaa dowlada Xasan Sheikh taageerada fikrada dowlada Soomaaliya, maadaama Axmed Madoobe iyo Gaas ay sameeyeen isbaheysi siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyn
Caasimada@live.com