Tarsan: Waxaan ogahay wax badan oo shacabka aysan ogeyn. (Arrimo badan oo uu shaaciyey)

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Max’uud Axmed Nuur ”Tarsan”, ayaa si carro leh uga hadlay mustaqbal la’aanta ay DFS u horseedeyso dalka.

Tarsan waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu ogyahay waxyaabo badan oo aysan la socon dadka qaar, waxa uuna si ganbasho la’aan ah farta ugu fiiqay in mustaqbalka iyo aayihii Umadda Soomaaliyeed lagu bedeshay dano gaar ah.

”Waa nasiib darro in madaxdii la aaminay ay Mustaqbalkii shacabka iyo maslaxadii qaranka ay ku bedeshaan dano yar oo dhow oo aan sii jirikarin, taarikhduna waa qormeysaa” ayuu yiri Tarsan.

”Waxaan garan la’ ahay cida iskaleh Somalia maalin dhoweyd waxa lagu dhawaaqay dowlad goboleed la dhaho Bakool Sare, madaxda wadanku waa ka aamuseen oo waxba kama dhihin, waxaa aburmay colad u dhaxeysa Jubaland iyo South West. Dowladeenu ma soo dhexgelin, waxaa halkaasi nooga muuqaneysa in DF afka laga qabtay waa arrin damiir xumo ah”

Tarsan waxa uu sheegay in Dowlada Somalia ay gumeysi u horseeday Somalia, waxa uuna carabaabay in go’aan uusan ka go’in Dowlada islamarkaana xiligaani Siyaasada dalka uu yahay mid looga arrimiyo magaalada Addis Ababa.

Isaga oo ka hadlaayay gumeysiga iyo dhibaatada ka jirta Somalia ayuu yiri ”Heerka uu gaarsiisan yahay gumeysiga waxaa kaga filan in Labada maamul goboleed ee Somaaliyeed ay u dacwoodeen Dowladda Ethiopia waxeyna ka codsadeen in ay soo dhex gasho, taas oo keentey in Ethiopia ay si toos ah u soo dhex gasho. Dhacdadaas waxay mujineysaa in Somalia ayna waxba gacanta ugu jirin, waxaana markii danbe safar degdeg ah Addis Ababa ku aaday Axmed Madoobe oo lagu tuhmaayo inuu leeyahay qorshaha lagu dhisay Bakool Sare”.

Dhinaca kale, Tarsan ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay inay gartaan maslaxadooda oo ay iska qabtaan cida gumeysiga u horseedeysa Somalia iyo gumeystaha qudhiisa, waxa uuna ka digay in Shacabka Soomaaliyeed ay isha un ka daawadaan waxa dalka ka socda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com