26.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

C/Weli Sheekh oo rajo xumo ka muujiyay shirka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Ra’iisul wasaarihii lagu badalay Cumar Cabdirashiid Cali oo muddo 10 bilood ah isla shaqeeyeen Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhaliilay shirka ka dhacay magaalada Kismaayo iyo is faham darada ka dhex taagan madaxda Soomaalida.

C/welli Sheikh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay shirarka maalmahaan ka dhacayay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, isaga oo sheegay in shirarkaasi iyo isfaham waaga madaxda Soomaalida ay ahaayeen kuwo aan horey looga baaraa dagin.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in madaxda Soomaaliya ay doonayeen qorshe ay ku dajin waayeen afar sano si qasab ah ugu dajiyaan muddo labo maalin oo shirar gaar gaar ah la yeesho, isaga oo dhaliilay waqtiga laga luminayo ummada Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay mid aan horey looga baaraan dagin lana dajin sida uu u dhacayo iyo waxyaabaha kasoo bixi karaba, taasi oo qasabtay in shirka uu gaaro marxaladaasi ayna is fahmi waayaan  madaxda ku shirsan magaalada Kismaayo.

Wuxuu soo jeediyay iney wanaagsaneyd in soo dhisida dowlada aan lagu saleyn labada qodob oo ay hadda isku fahmi la’yihiin madaxda ku shirsan Kismaayo, loona maro dhismaha dowlada badaleyso midda Xasan uu madaxda ka yahay dowlad ku timid hab doorasho xisbi ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News