26.1 C
Mogadishu
Friday, November 21, 2025

Yaa mas’uul ka ahaa fashilkii shirka Kismaayo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online) – Sida aan horayba u qornay waxaa Fashil ku imaaday shirka madasha wadatashiga Qaran ee maalmahaani ka socday magaalada Kismaayo ee Xarunta maamulka Jubbaland.

Fashilka shirka ayaa waxaa qeyb ka ah DFS iyo Maamulada Dalka, waxaana si gaar ah Fashilkaasi dusha loo saaray maamulada Jubbaland iyo Puntland oo iyagu awood Siyaasadeed ka raadinaaya diidmooyinka qodobada shirka looga doodaayay.

Waxaa la rumeysan yahay in madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland C/wali Gaas ay bilowga furitaanka shirka wateen ajanda ah in shirka burburo ka dibna Beesha Caalamka loo bidhaamiyo in fashilka shirka ay mas’uul ka tahay DFS oo iyadu u hanqal taageysa in Somalia lagu sii maamulo nidaamka Umadda Soomaaliyeed duleystay ee 4.5.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa dib isugu soo laabashadii shirka ka caga jiidaayay in xal laga gaaro shirka kadib markii ay dareen ka muujiyeen in Beesha Caalamka qudheeda ay shirkaasi garab kusiin doonto DFS oo leh taladda dalka.

Sidoo kale, Ficiltanka dhinacyada uu shirka u dhexeeyay ayaa waxaa barbar socday cadaadis xoogan oo ka yimid dhanka beesha caalamka, balse nasiib darro iyada oo waxaas oo dhan ay jireen ayaa waxaa hadana Fashilka shirkaasi mar kale horseeday Jubbaland iyo Puntland oo lagu tuhunsan yahay is garabeysi.

Beesha Caalamka ayaa iyaduba garwaaqsan in maamulada Jubbaland iyo Puntland ay ceyrsi Siyaasadeed ku hayaan DFS taasi oo ugu wacan dib usoo laabashada madaxweyne Xassan oo isagu doonaayo in kursiga uu mar kale kusoo fuulo hoos iska taabat oo uu la sameynaayo Odayaasha iyo Xildhibaanada laga soo kala xuli doono beelaha Soomaaliyeed.

Lama oga go’aanka ay qadan doonto Beesha caalamka oo isha ku haysay shirkan.

Dhanka kale, burburka shirka Kismaayo waxuu mugdi gelinayaa shir loo balan sanaa in bisha dambe uu ka furmo magaalada Istambuul ee dalka Turkiga, kaasoo looga gol lahaa in beesha caalamka ku barakeyso go’aanada shirka Kismaayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News