Muqdisho(Caasimada Online):-Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, oo ka hadlaayay shirkii ku fashilmay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in shirkaasi uu ahaa mid si qasdi ah ay u fashiliyeen madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.
Guddoomiye Jawaari oo Fashilkaasi uga waramaayay Odayaal kasoo jeeda Beesha Daarood ayaa sheegay in sharaf dhac ay u tahay DFS in Axmed Madoobe iyo C/wali Gaas ay qol afar mitir ah ku ceshtaan Dowlada waxa uuna sheegay in Dowladu ay iyada garaneyso wixii maslaxad u ah Beelaha Soomaaliyeed, sidaa aawgeedna muddo intaa ka badan aysan raali galin karin Jubaland iyo Puntland.
Jawaari isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Odayaasha Beesha Daarood kasoo jeeda u sheegay in go’aan ay gaarto DFS aysan wax ka bedeli karin Beesha Caalamka, waxa uuna tilmaamay in Dowladu intaa ka badan u dulqaadan karin raali galinta labada maamul.
Jawaari waxa uu si caro leh u sheegay in Dowladu shirka wadatashiga ku qaban doonto halka ay u aragto inuu ku jiro maslaxadeeda, kadib markii uu sheegay in Jubbaland iyo Puntland ay Siyaasada Somalia u bedeleen goob lagu caraayo misna lagu kala aargoosto.
Sidoo kale, Odayaasha oo dadaal ugu jira sida lagu sii ambaqaadi lahaa shirka wadatashiga ayaa sheegay in dhankooda ay aad uga xun yihiin in Jubbaland iyo Puntland ay sameyn waayan wax tanaasul ah, waxa ayna ballanqaaden in kulamo gaar gaar ah ay la qaadan doonaan labada mas’uul.
Dhanka kale, Odayaasha ayaa lagu wadaa inay ku hormari doonaan magaalada Kismaayo iyaga oo halkaasi ku qaabili doona madaxweynaha Jubbaland si ay kala hadlaan arrinta taagan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]