“Haddii xaaladdu ay sidan kusii socoto Somalia waxaa ka dhici doona dilal u dhexeeya madaxda”

Muqdisho(Caasimada Online) – Odayaasha kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa dhaliil adag ka muujiyay qaabka ay Dowlada Somalia u daadihineyso Siyaasada dalka.

Nabadood Muuse Cabdi oo kamid ah Odayaasha kasoo jeeda magaalada Kismaayo ayaa sheegay in aragti ahaantiisa ay la qaldan yihiin qaabka ay Dowlada Somalia u wado howlaha horyaal.

Nabadoonka waxa uu sheegay in dhacdooyinka iminka ka taagan Somalia ay yihiin kuwo horay uga soo dhacay Somalia, waxa uuna tilmaamay in qaabka ay u socto Siyaasada ay u muuqaal egtahay mid dilal qorsheysan ka dhex abuuri doono madaxda ugu sareysa dalka, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu ku adkeysanaayo in Somalia uu ku maamulo ad adeeg iyo rabitaankiisa taasina ay iska horkeeni karto madaxda dalka.

”Waxaan la socnaa in wakhtiga hadda lagu jiro Somalia ay ka dhacaan dilal qorsheysan. waxaa ii muuqaneysa in Xassan Sheekh uu ka faa’iideysanaayo xaalada kala guurka ee hada uu ku jiro dalka, Siyaasadaha noocaani waxaa ka dhasha shirqoolo ay isku maleegaan madaxda dalka waxaadna maqli doontaan xildhibaan la dilay iyo mid la qarxiyay”

Nabadood Muuse Cabdi waxa uu ka digay in Madaxweyne Xassan Sheekh iyo xulafadiisa ay dalka u horseedan nabadgalyo la’aan iyaga oo baadigoob ugu jira wakhti kororsi ama in kursiga ay mar kale hantiyaan.

Docda kale, Nabadood Muuse Cabdi ayaa ku baaqay in madaxda maamulada dalka ay muujiyaan dabacsani Siyaasadeed, isaga oo cadeeyay in wakhtiga lagu jiro uu yahay mid ay shacabka Soomaaliyeed u baahan yihiin in loogu arxamo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com