XOG: Madaxda Soomaaliya oo la qasbay: Maxaa sabtida ka dhici doona Muqdisho oodan ogeyn?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii ugu dambeeyey ee madasha wada tashiga qaran ayaa dib la isugu soo laaban doonaa maalinta sabatida ah, sida ay xog gaar ah ku heshay Caasimada Online.

Shirkan oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa waxaa soo amray beesha caalamka oo amar iyo digniin kama dambeys ah gaarsiisay madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Sida aan xogta ku helnay, waxaa amar lagu siiyey in ayaga oo aan heshiis gaarin aan markan laga kala tagi doonin shirka, ayna ku qasban yihiin inay isku raacaan hab doorasho oo ay Soomaaliya qaadato.

Xogta Caasimada Online, waxa ay sidoo kale sheegeysaa in madaxda Soomaaliya loo qabtay in illaa 28-ka Bishan ay heshiis ku gaaraan, si heshiiskooda loogu gudbiyo golaha ammaanka QM oo kulmaya 28-ka bisha.

Inkasta oo aan la ogeyn waxa kasoo bixi doona shirkan, haddana Caasimada Online waxa ay xog ku heshay in la qaadan doono habka 4.5, oo Soomaalida oo idil ay dooneyso inta dalka laga tira-koobayo, marka laga reebo Jubaland iyo Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com