MuqdishoCaasimada Online) – Falanqeeyayaal Siyaasadeed ayaa sheegay in go’aanka Turkiga saldhiga militari kaga furanayo dalka Soomaaliya iney tahay mid iska hor keenaysa danaha isku taga imaaraadka carabta ka leeyihiin dalka Soomaaliya, waxaana maalgelinta amniga iyo militariga ee Imaaraatka horseedi kartaa muran xoogan.
Sidoo kale waxay shaaciyeen dadka siyaasada ku xeel dheer in Soomaaliya ay noqoneyso Tiyaatar ay ku hardamaan dalalka Imaaraatka Carabta iyo Turkiga waqti xaadirkaan la joogo.
Wargeyska “Emirates 71” ayaa baahiyay in Iskutaga Imaaraatka uu xiriir dhow la leeyahay madaxda dowlada Soomaaliya ayna bixiyaan taageero badan oo dhanka amaanka iyo militariga Soomaaliya, sidoo kalana waxay bixiyaan mushaaraadka ciidamada xooga dalka.
Sidaasi si lamid ah dowlada Turkiga ayaanan ka yareysan ahmiyada dhaqdhaqaaq ee ay ka waddo dalka ku yaala bariga africa, waxaana xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya uu wanaagsanaaday 2011, xiligaa oo madaxweyne Erdogan uu yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna noqday masuulkii ugu sareeyay ee heer caalami ah oo Muqdisho yimaada.
Warbixinada la helayo ayaa sheegaya in joogitaanka iyo saldhiga Turkiga ka furayo magaalada Muqdisho ay sare u qaadi doonto nidaamka dowladeed ee Masar,taasi oo dadka siyaasada falanqeeya ay ku sheegayaan in cadaadis lagu saari doono dowlada Soomaaliya iney diido saldhiga Turkiga qorsheynayo inuu ka furo magaalada Muqdisho, maadaama dowlada Soomaaliya ay xiriir dhow la leedahay Masar.
Sidoo kale dowlada Masar ayaa dowlada Soomaaliya Tusaale ugu soo qaadaneyso sidii dowlada Ciraaq ay u diiday saldhiga Turkiga uu ka sameeyay magaalada Mosul ee dalkaasi Iraaq.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa Ahmiyada dalalka Masar iyo Imaaraatka ee Soomaaliya ay ka weyn tahay ahmiyada ay ka lahaayeen dalka Iraq, sababtoo ah waxay doonayan iney xooga saaraan dalka Soomaaliya oo haatan saldhigyo waaweyn aysan ku lahayn wadamada Reer Galbeedka.
Xogo kale oo la helay ayaa sheegaya in Imaaraatka uu ahmiyad weyn siinayo amaanka gacanka Cadan , taasina ay tahay sababta uu u raadinayo sii joogitaankiisa Cadan isaga oo si kalinimo ah ku heysta magaalooyin badan oo uu kala wareegay ciidamada mucaaradka ku ahaa dowlada Yemen.
Dhinaca dalka Turkiga ayaa la ogaaday sida xukuumada Ankara diyaar ugu tahay hergelinta saldhiga militari ee dalka Soomaaliya ay ka dooneyso iney ku tababarto 10,500 “toban kun iyo shan boqol” oo askari oo Soomaali ah.
Ilaha xog ogaalka ee dalka Turkiga ayaa xaqiijinaya in dowlada Turkiga ay saldhigaasi ka hirgelin doonto xeebaha gacanka Cadan gaar ahaan Soomaaliya wuxuuna bilaaban doonaa dhismaha saldhigaasi xagaaga xiga, waxaana ugu horeyn lagu tababari doonaa ku dhawaad 1500 oo askari.
Website-ka “Haber 7” oo daacad u ah dowlada Turkiga ayaa sheegay in dowlada Turkiga saldhiga Soomaaliya ay dhisan doonto kadib marka ay dalka Qatar ka dhisto saldhig ciidan oo weyn.
Sida website-ka lagu baahiyay ku dhawaad 10,500 askari oo ay soo xulayso Qaramada Midoobay ayaa qaadan doono tababarka lagu bixinayo saldhiga ciidamada Turkiga ka furanayaan magaalada Muqdisho, waxaana amaanka xeradaasi xaqiijin doona ku dhawaad 200 askari Turkish ah.
Siyaasada kale ee ku jirta furitaanka saldhiga Turkiga ka furayo magaalada Muqdisho ayaa waxay tahay in dowlada Turkiga ay ku difaacato warshadaha Turkiga leeyahay ee ku yaala meel ka baxsan dalkaasi iyo in Turkiga uu helo suuq kale oo uu ku iibiyo hubka ay soo saaraan warshadaha ku yaala dalka Turkiga.
Ujeedada kale ee Turkiga ka leeyahay saldhiga uu ka furayo magaalada Muqdisho ayaa ah inuu doonayo inuu awood ku yeesho dalalka Bariga dhexe, Africa iyo wadamo kale isaga oo soo dooqday ama doortay dalalka Qatar iyo Soomaaliya, waxaana muhiim ugu yihiin labadaasi dal siyaasada Mandiqada.
W/Q: Cabdiraxmaan Axmed Carab
Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
[email protected]