Muqdisho (Caasimada Online) – Muddo Shan maalin ah ayaa ka harsan Muddada Beesha caalamka u qabatay madaxda Soomaalida iney go’aan cad kaga soo saaraan nooca doorashada ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya.
Ka hor inta aysan dhicin kulamada midowga Africa iyo golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa qorshaha uu ahaa in madaxweynayaasha maamul goboleedyada iyo hogaanka ugu sareeyo dowlada Soomaaliya iney soo saaraan go’aan mideysan oo ay qaateen.
28-ka Bishan Janaayo ayaa waxaa dhacaya shirarka ay yeelanayaan Midowga Africa iyo Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, waxaana la doonayaa in go’aanka madaxda Soomaalida isku raacaan laga sheego labada shir.
Qoraalkii kasoo baxay beesha caalamka afar maalin ka hor markii uu fashil kusoo dhamaaday shirkii magaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu shaaciyay in muddo sagaal maalin ah ay heystaan madaxda Soomaalida, waxaana haatan ka harsan shan maalin oo kaliya.
Walli ma jiro wax kulan ah oo ay wada qaateen madaxda Soomaalida tan iyo markii uu fashil kusoo dhamaaday shirkii magaalada Kismaayo, marka laga reebo xiriiro madaxda dhexmarayay.
Murun weyn ayaa sidoo kale ka taagan halka shirka soo socdo uu ka dhacayo, maadaama madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in shirka uu ka dhacayo Baydhabo, halka madaxweynaha Jubbaland uu sheegay in shirka labaad uu ka dhacayo magaalada Kismaayo.
Waxaa kale oo soo baxaya in shirka uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, balse aan si toos ah loogu wargelin xubnaha madasha wadatashiga qaran ee dalka Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed ayaa ka war sugaya go’aanka kama dambeysta ah ee ay qaadan doonaan madaxda dalka Soomaaliya oo qaarkood aan hishiis ku aheyn qodobada miiska saaran, maadaama masuul kastaa uu ka fakaro sidii uu usoo laaban lahaa sanadkan 2016.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

