28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Xog: Shariif Xasan oo qarka u saaran inuu xilka..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Baydhabo si xooli ah uga socda diyaarinta Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Saacadihii ugu danbeeyay ayaa waxaa sii kordhaayay tirada Xildhibaanada maamulka ee isku diiwaan galinaaya Liiska Mooshin wadayaasha waxaana la soo warinayaa in Shariif Xassan ay iminka xaaladu ku xun tahay.

Mid kamid ah Xildhibaanada Maamulka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in tirada Mooshin wadayaasha ay iminka gaartay Seddex meelood 2 meel oo ah kuwo isku xiran oo aan la kala jabin karin, sida uu xogta ku sheegay Xildhibaankaasi.

Sidoo kale, Xildhibaan Ibraahim Xasan Buulle oo ka mid ah mudanayaasha Mooshinka wada ayaa sheegay in Shariif Xassan uu isaga isku soo koobay Tallada Maamulka, waxa uuna sheegay in labada Gole ay yihiin kuwa aan ka shaqeyn xarumaha maamulka, taasina ay ugu wacan tahay mooshinka la diyaarinaayo.

Buulle waxa uu tilmaamay in shariif Xassan ay dhowr jeer horfadhiisteen si ay ugala hadlaan arrinta taagan, waxa uuna intaa raaciyay in kulankooda uu ka dhigay mid waxkama jiraan ah islamarkaana talooyinkooda uusan dhag jalaq usiin.

Si kastaba ha ahaatee, Mooshinkaani ayaa u badan inuu ka dhaqan gali doono dhanka Baarlamaanka waxaana jira warar sheegaya in Shariif Xassan uu shaqsiyaad usoo wakiishay Mooshin wadayaasha si ay arrinta u qaboojiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News