Kampala (Caasimada Online) – War saxaafadeed kaso baxay xafiiska madaxweynaha dalka Uganda ayaa lagu joojiyay haween dowlada Uganda ay geen jirtay sanad walbaa dalka Sacuudiga kuwaasi oo halkaasi ka shaqeyn jiray.
Qoraalka lagu joojinayo in haweenka waxbartay loogu dalka Sacuudiga si ay kaga shaqeeyaan arimaha shidaalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa ka dambeysay markii ay soo bateen cabashooyin badan oo ka imaanayay haweenka ku sugan dalka Sacuudiga.
Haweenka ayaa usoo gudbiyay dowlada Uganda in loola dhaqmo qaab ka baxsan bini’aadanimada, iyaga oo sheegay in ku adkaatay kasii shaqeynta dalkaasi, taasi oo dhalisay in dowlada Uganda ay mamnuucdo haweenka shaqo u aadi jiray dalka Sacuudiga.
Wasaarada jinsiga , shaqada iyo arimaha bulshada dowlada Uganda ayaa shaacisay iney bateen tabashooyinka badan ee ka imaanaya haweenka ka shaqeysta dalka Sacuudiga kuwaasi oo cadeeyay in qaabab aan wanaagsaneyn loola dhaqmo.
Arinta ayaa kusoo aaday kadib markii cod maqal ah laga duubay qaar kamid ah haweenka Uganda ee kusugan sacuudiga lagu faafiyay baraha internet-ka, waxaana haweenka la wareystay ay sheegeen in qaarkood jirdilo ay kala kulmaan dadka ay u shaqeynayaan.
Labada dowladood ee Uganda iyo Sacuudiga ayaa bishii July kala saxiixday hishiis dhigaya haweenka ka qalin jibiya jaamacadaha dalka Uganda shaqo u aadaan goobaha shidaalka ee dalka Sacuudiga.
Xilli Uganda ay dadkeeda kasoo kaxeysaneyso xadgudubyada Sacuudiga, ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Sacuudiga la galay heshiis looga iibinayo gabdho badan oo Soomaali ah.
Caasimada Online
Xafiiska Uganda
[email protected]