Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa goordhow shaaca ka qaaday in gabi ahaan shirka wadatashiga aayaha Somalia ee ka socday magaalada Muqdisho uu kusoo dhamaaday Fashil.
Maamulka ayaa sheegay in shirka gabi ahaantii uu saldhig u noqday is jiid-jiid iyo kala aragti duwanaansho kala fog, waxa ayna cadeeyen in shirkaasi uu iminka yahay mid Fashilmay.
Afhayeenka Maamulka Puntland C/llahi Maxamed Jaamac ”Quraan Jecel” ayaa Saxaafada u sheegay in shirka uu soo dhaafi waayay is jiid-jiid, waxa uuna warbaahinta ka cadeeyay in leysku afgaran waayay qaabka doorasho, sidaa awgeedna uu shirka fashilmay.
Quraan Jecel waxa uu sheegay in Madaxweyne Xassan Sheekh uu caqabad ku yahay in laga gudbo Khilaafka taagan, sidaa awgeedna ay Puntland ku gacanseertay Siyaasada uu damacsan yahay Xassan Sheekh.
Madaxweyne Xassan Sheekh ayuu sheegay inuu doonaayo in madasha laga hirgaliyo rabitaankiisa waxa uuna Quraan Jecel taasi ku sheegay mid aan suuragal aheyn.
Dhanka kale, go’aanka Puntland ayaa imaanaya xili Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu soo saaray 6 qodob oo uu ku muujinaayo Khilaafka taagan iyo in ahmiyadu tahay in leysku tanaasulo.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

