25.5 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Xog: CC oo mooshin laga geeyay baarlamaanka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia ayaa la tilmaamayaa in mooshin kadhan ah Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid Cali ay u gudbiyeen gudoonka sare ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada ugu firfircoon Baarlamaanka ayaa sheegay in mooshinkaasi ay soo gudbiyeen Xildhibaano aad u badan, waxa uuna sheegay in dhawaan Baarlamaanka uu u gudagali doono.

Jeesow ayaa mooshinkaani sheegay xili uu ka hadlaayay booqashada madaxweyne Xassan Sheekh uu ku gaaray dalka Kenya, waxa uuna Jeesow cadeeyay in mooshinka uu yahay mid miisaan leh.

Baarlamaanka ayuu sheegay in marka hore uu u yeeri doono Ra’isul wasaaraha si wax looga weydiiyo arrimo dhowr ah oo lagu soo eedeeyay kadibna uu usii gudbi doono dhanka mooshinka, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaan Jeesow ma uusan sheegin waxa uu ku saleysan yahay mooshinka balse kaliya waxa uu tibaaxay in Cumar C/rashiid uu yahay mid habayaraatee aan ka warqabin xaalada dalka.

Geesta kale, mooshinkaani ayaa la sheegayaa inay u badan tahay inuu hirgalo, waxaana jira warar sheegaya in tirada mooshinka wada ay yihiin kuwa aad u badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News