26.3 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Sacuudiga oo 2 shuruud adag ku xirtay aqbalida muruq-maalka SOMALIA uga imanaya (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada shaqaqa iyo shaqaalaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa shuruud adag ku xirtay aqbalida Shaqaalo Soomaali ah oo laga shaqaaleysiin doono dalka Sacuudiga.

Wasaaradu waxa ay sheegtay inay soo dhaweyneyso heshiiskii ay la gashay madaxweynaha Somalia ee ahaa in Muwaadiniinta Soomaalida ay ka shaqeynkaraan gudaha iyo garoomada Boqortooyada waxa uuna Wasiirku ku xiray laba shuruud oo kala ah:

1- In shaqaalaha ay qaadan doonto Dowlada Sacuudiga ay wataan cadeymo muujinaaya caafimaadkooda.

2- In warqado cadeyn sugaaya shaqsiyada qofka ay kawataan Wasaarada amniga Somalia.

Wasaaradu waxa ay sidoo kale sheegtay in magaalada Nairobi ay ka furi doonto Xafiis lagu hubin doono warqadaha ay wataan shaqaalaha ay ka qoran doonaan Somalia, si looga hortago sameysiga warqado feeg ah.

Ga’aanka kasoo yeeray Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha Boqortooyada Sacuudiga ayaa caqabad ku noqon doonta Boqolaal Soomaali ah kuwaasi oo ay ku adkaan doonto inay helaan warqadaha qaar, iyadoona ay suuragal tahay in Wasaarada Amniga Somalia ay warqadaheeda ku bixiso qaab hoos iska taabat ah.

Lama oga in shuruudahaasi ay sii shaqeyn doonaan iyo in kale waxaana culeyska ugu badan uu yahay in qof waliba oo Soomaali ah uu ka badbaadi karo Cudurada ay iska ilaalinayaan Sacuudiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News