29.9 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Ma lagu tilmaami karaa DADKA ku nool gobolka BANAADIR in ay yihiin ”Second Class Citizen”?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sida ku xusan dastuurkii Soomaaliyeed 1960-1969, iyo kan qabyo qoraalka ah intaba, Mogadishu waxay ka mid ahayd 8dii gobol ee dalku lahaa. Muqdisho waa magaalo madaxda Gobolka Benaadir, isla markaana ah Caasimadda ummadda Soomaaliyeed. Dadka Muqdisho ku nool waxaa lagu qiyaasaa 3.5 oo qof. Sida ku qoran dastuurka qabyo qoraalka ah ee qod. 27. Wuxuu si toos ah u qeexayaa in 18ka gobol ee ka horeeyay 1991 loo aqoonsaday in ay yihiin goboladii dalku lahaa. Gobol kastana uu ku yeelanayo aqalka sare tiro isla eg oo siman oo ka kooban 54 xubnood.

Waxaa xusid mudan in shirkii madasha wada tashiga qaranka lagu go’aamiyay in la xaqiro xaqii iyo xuquuqdii ay lahaayeen dadka ku nool gobolka Benaadir, oo laga dhigay in ay yihiin muwaadiniin labaad (second class citizens). Xaqa Gobolka Benaadir/Muqdisho ku leedahay Soomaaliya haddii la xaqiro, iyadoo laga leeyahay dano khaas ah, dowlad Soomaaliyeed ma jirayso, waddankuna wuxuu gelayaa fowdo iyo dagaalo hor leh, waa haddii runta la rabo oo arrintu ay sidaan ku sii socoto, iyo xaqiraadda intaas la eg, waana wax xaqiiqo ah in ay dhacayso, ee caqligu ha shaqeeyo, dalkana ha la samatabixiyo intii goori goor tahay.

Waxaan ku waani lahaa dadka horboodaya dowladda Federaalka, dalka ha u hoorseedina dhib iyo dagaal danbe (Civil War). Xuquuq ummadi leedahay ma lagu maslaxayn karo ama laguma gorgortami karo xuquuq dad kale iska leeyihiin. Fadlan na la arka, madashii Wada tashiga Qaranka, oo wax lagu qaybsanaayay Gobolka Benaadir, xataa lama soo hadal qaadin, war-murtiyeedkana laguma soo qaadin, waana xaqiraad inteed la eg. Xuquuqdii Gobolka Benaadir waxaa lagu maslaxeeyay Puntland iyo Somaliland. Waxaana madaxda qaranku ku andacoonaysaa waxaa loo suubin doona maqaam gooni ah markii waqtigu noo saamaxo. Aaway, aqalka sare sida loo qaybsaday oo dastuurku qoraayay 54 xubnood waa la arkaa ee dadka ha laga daayo maaweelada iyo in wax loo dhimo caqligooda.

Dadka Muqdisho weli ma suubin kacdoon dadwayne, laakiin haddii arrintu sidaan ay ku socoto waxaa imaanaysaa in meesha lagu kala cararo. Dadka Muqdisho dagan iyo ganacsigooda waa umadda kaliye ee laga qaado canshuur dabadeedana ay isticmaasho doowladda dhaxe, taasoo loo isticmaalo siinta mushaaraadka hey’adha doowladdda sida Sharci dajinta, fulinta iyo Garsoorka, waxaa sidoo kale laga bixiyaa howlaha la xiriira mushaaraadka ciidanka.

Intaas waxaa dheer waxa ay mar walba u nugul yihiin dhibaatooyinka amni ee ka dhaca caasimadda Muqdisho. Waxa ay ku waayaan waxa dunida ugu qaalisan oo ah NAF iyo MAAL iyadoo aysan jirin cid mag dhaw uga celiso, balse ay iyagu dib uga kabsadaan dhibaatadaasi. Muqdisho waxa ay marti galisaa Barakacayaasha ugu badan ee ka yimaada Gobolada Dalka ee ka soo cararayo Abaaraha iyo amni darida ka jirta deegaanada ay ka jiraan dhibaatadu. Fadlan mar kale na la akhriya taxliilka run sheega ah ee Cabdulqadir Muxiaddiin ee uu ku soo qoray websitka Shaaciye.

”Wanaagii Gobolka Benaadir waxaa loogu badalay wax xuquuq siyaasadeed ah ma lihidin masiirkaagana waa laga wakiil yahay. Waxaan xasuusanayaa maah-maahidii eheyd ‘’KAAGA KULA LIHI KEEYGANA ANAA ISKA LEH’’

Ugu danbayn, waxaa ku bararuji lahaa dadka horboodaya dowladda Federaalka, khaastan Baarlamaanka Federaalka in dastuurkii qaranka la baal maray lagana dhigtay wax hadba sidii la rabo loo isticmaalo iyo in lagu fushado dano gaar ah.

Waxaa Baarlamaanka Federaalka looga fadhiyaa in ay ka dhigto go’aankaas lagu xaqiray Gobolka Benadir mid ”null and void” ah, Dowladdana waxaa looga fadhiyaa in ay sheegto waxa Muqdisho aysan ku mutaysan ee Gobolada kale ee Puntland iyo Somaliland ku mutaysteen ee loogu abaalmariyay min saddexda xubin oo kale ee aqalka sare ah, ayadoo xaqii Gobolka Benaadir gebi ahaantiisaba la duudsiiyay oo si ula kac ah loo xaqiray . Xquuqda Gobolka Benaadir ma lagu maslaxayn karo Gobolo kale ee caqligu mar labaad ha shaqeeyo.

Wa billaahi Towfiiq,

Dr. Khalif M. Duale

Somali Progressive Labor Party

Mogadishu, Somalia

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News