Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia iyo Golihiisa ayaa lagu wadaa in BFS ay hordhigaan qodobadii laga soo saaray shirkii maalintii Arbacada lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
Walaaca jira ayaa ah qaabka ay Xukuumadu ku horgeyn laheyd qodobadaasi BFS, waxa ayna cabsi ka taagan tahay in Baarlamaaku uu ka biyo diido taageerida qodobadaasi.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa kasoo horjeeda qodobada shirkaasi kasoo baxay oo ay taageertay Beesha Caalamka, waxa ayna taasi soo dadajinkartaa in Xukuumadu ay ku fashilanto qorshaha horgeynta Baarlamaanka ee Qodobadaasi.
Ra’isul wasaaraha Xukuumadu waxa uu sheegay in lama huraan ay tahay in qodobadaasi la horgeeyo Baarlamaanka, balse waxa uu walaac ka muujiyay qaabka loo horgeyn lahaa iyo fashilka suuragalka ah ee ka qabsan kara horgeynta Baarlamaanka.
Sharmaarke oo ka hadlaayay sababta ay u qaateen 4.5, ayaa tilmaamay inay u arkayn xalka keliya ee maanta looga gudbi karo xaalka murugsan ee dalka ka jira, si aanay kaga sii darin.
Dhanka kale, Madaxda Galmudug iyo Jubbaland, ayaa sheegay in go’aanada laga soo saaray shirkaasi uu ahaa mid lagu khasbay, isla-markaana aanay raali ka ahayn.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

