29.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

JAWAARI: Xasan Sheekh wuu ogyahay waxa jira

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo siyaabo kala duwan ula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in xaalada dalka ay mareyso halkii ugu xumeyd.

Jawaari waxa uu tilmaamay in wakhtiga lagu jiro ay tahay kala guur, islamarkaana Madaxweynaha dalka uu la socdo xaqiiqda taagan, loona baahan yahay in maamulada dalka ay dajiyaan kacdoonka ay wadaan.

Wuxuu sheegay in shaqsi ahaantiisa uu lasocdo dhibta ka taagan Somalia iyo tan ay wajihi doonto sidaa aawgeedna loo baahan yahay in lahelo xal u dub dhexaad u ah dhinacyada wax kala tabaneysa.

”Ma jiraan wax noo qarsoon, Xassan Sheekh iyo aniguba si dhab ah ayaan ula socnaa xaalada kaliya waxaa ka digeynaa in lagu fogaado carqaladeynta Siyaasada ogaada taasi cidna kama aqbali doono”

Jawaari waxa uu cadeeyay in Dowladu ay la imaaneyso nidaamyo ka duwan kuwii hore, sidaa aawgeedna ay isbedel ku sameyn doonto xaaladihii dalka ka taagnaa.

Geesta kale, waxa uu ku celcelshay inay mudan tahay in laga fogaado wixii iska horkeeni lahaa Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News