25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Xog: Qaraxii diyaaradda Daalo oo Tuhun badan laga qabo (Maxaadan ogeyn oo lagaa qarinayaa?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa shalay uu qarax ka dhex dhacay gudaha mid ka mid ah diyaarad aay leedahay shirkadda Daallo Airlines, oo ilaa hadda aanan la ogeyn sida saxda ah ee aay wax u dhaceen.

Dowladda Federaalka ah iyo shirkadda Daalo ayaa lagu eedeeyay in aay wax qarinayaan. Waxaa arrintan aad uga hadlay warbaahinta caalamka. Mid ka mid ah wargeysyada laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo Jerusalem Post, ayaa qoray in qaraxa diyaaradda Daallo airlines aay ha’adaha sirdoonka reer galbeedku wada ogaayeen in koox xag jir ah oo Iiraaniyiin ah aay beryahanba wadeen qorshe lagu argagixanayo dalka Soomaaliya tan iyo markii aay xiriirka diplomaasi dowladda federaalka ah u jartay xukuumadda Tehraan.

Shirkadda Daallo ayaa dafirsan in qof uu ka soo dhacay diyaaradda markii uu qaraxa dhacay, waxa aayna ku adkeysanayaan in tiradii rakaabka ahaa ee saarna diyaaradda dhammaan aay bad qabaan oo garoonka lagu soo celiyay. Waxaa aay sheegeen in tiro 74 kaliya aay ku qornaayeen manifestada diyaaradda, ilaa haddana aan la ogeyn halka uu ka yimid ruuxa ka soo dhacay diyaaradda.

Waxaa maalmo ka hor istaagay duulimaadyadii shirkadda Turkish Airlines, iyadoo aanay shirkaddu bixin wax macluumaad ah sababaha aay u joojiyeen duulimaadkoodi Muqdisho.

Baaritaankii ugu horreeyay oo lagu sameeyay diyaaradda ayaa waxaa laga helay haraa in uu ka dhex dhacay qarax diyaaradda dhexdeeda sida aay baahisay CNN.

Ma jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxa diyaaradda, waxaase soo if baxaya shaki badan iyo walaac laga qabo in dhammaan diyaaradaha caalamka ee yimaada Muqdisho aay joojiyaan duulimaadkooda.

Ilaa hadda lama oga sida uu ku soo dhaafay qaraxaas hay’adaha baaritaanka ee garoonka Aadan Cadde.

Caasimadda Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News