27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

XOG: Xasan Sheekh oo dhexda u galay Keating iyo ku xigeenka QM (Maxaa kala qabsaday?) !!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankaani oo ahaa mid uu albaabada u xiran yahay ayaa waxa uu u dhexeeyay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM iyo Ku-xigeenka dhinaca Siyaasada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Jeffrey Feltman.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay Villa Somalia, gaar ahaan Xafiiska Madaxweynaha Somalia, waxa uuna ahaa mid ku qotomay arrimaha doorashooyinka iyo qaabka sahli lahaa in shir ka madax-banaan kan Madaxda dalka ay isugu imaan lahaayen Madaxtooyada Somalia iyo maamulada dalka.

Kulanka ayaa markii hore ku bilowday fadhi ay madaxdaasi u dhamaayen, waxa uuna kulankaasi kadib shirka isku bedelay mid si gaar gaar ay labadaasi mas’uul ula qaaten Madaxweynaha dalka.

Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa sheegay in Dowlada Somalia looga baahan yahay inay kala xadido qorshooyinka gaarka ah iyo kuwa la xiriira arrimaha Doorashooyinka, waxa uuna Xassan Sheekh fursad u siiyay in muddo bil gudaheeda uu kusoo dhameeyo inta badan howlaha la xiriira doorashada Somalia, islamarkaana uu kusoo gudbiyo qaab qoraalka barnaamijka.

Michael Keating waxa uu sidoo kale Xassan Sheekh ku amray in lasoo yareeyo socdaalada ay madaxda ugu socdaaleyso dalka dibadiisa, si uu yiri leysku waafajiyo miisaaniyada doorashada iyo dhaqaalaha ku bixi kara qorshooyinka u harsan Dowlada iminka jirta.

Sidoo kale, Jeffrey Feltman oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa dhankiisa ka sheegay in magaalada Muqdisho ay soo gaari doonaan mas’uuliyiin taabagalin doona hanaanka doorasho kuwaasi oo marti u noqon doona Dowlada Somalia, waxa uuna intaa raaciyay hadalkiisa in ujeedkooda uu noqon doono in Madaxda ugu sareysa ee Somalia ay ka dhisi doonaan la socodka doorashada dalka iyo arrimo kale.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale Xassan Sheekh u cadeeyay Mowqifka QM waxa uuna u sheegay in wakhtiga yar ee ka harsan Doorashada ay xadidi doonaan Siyaasada dalka.

Dhanka kale, Kulankaani ayaa waxa uu daba socdaa kulan hore oo ay kuwada qaaten magaalada Addis ababa xili halkaasi ay Seddexda mas’uul uga qeybgalaayen shir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News